Xilligaan casriga ah waxaa jira labo adduun oo isbarbar socda; adduunka online-ka ah (online world),
iyo adduunka caadiga ah (offline world). Adduunka internet-ka ku dhex jira ee shaashadaha aan soo dhaafin, waxa uu leeyahay wax kasta oo adduunkeenna caadiga ah ka jira.

Wuxuu leeyahay meheradihii, isu-socodkii badeecadaha iyo adeegyada, suuqyadii, goobihii waxbarashada, xiriirradii bulshada, saxaafaddii, madaddaaladii, xirfadlayaashii, baayacmushtarkii, maalgashiyadii, iwm. Sidoo kale tuugadiina waa joogtaa. Noloshii oo dhan ayaa u guurtay online-ka. Aniga iyo adigu hadda waxaan ku kulannay adduunka online-ka ah. Adduunkaaga caadiga ah waxaa laga yaabaa in aynan isku qaaradba joogin. Waa adduun cusub oo aad loogu sii qulqulayo. Cid kasta ayaa dhex fadhida.
Qaybta ugu muhiimsan ee inaga khuseysa adduunkaan online-ka ah waa ganacsiga iyo fursadaha shaqo ee ka dhex jira. Waxaana xiiso gaar ah u sii yeelaya isku furnaanta iyo bilaa soohdinta. Adiga oo tuuladiinii jooga ayaad booqan kartaa meel kasta oo adduunka online-ka ah kamid ah, haddii aad internet haysato. Taasi waxay fursad u tahay shaqada aan doonayno inaan ka dhex qabanno online-ka.
Waxaa laga yaabaa tuuladiina ama magaalada aad joogto haddii aad bakhaar wayn ka furatid, in ay kaa adeeganayaan oo kaliya dadka magaalada kula dagan; balse online-ka haddii aad labo darsin oo kabo ah oo kaliya, aad la soo gasho, waxaad ka iibin kartaa wiil iyo gabar Barazil jooga ama maraykanka, meel kasta ha joogeen. Ma ahan alaab oo kaliya xirfaddaada ayaad xitaa la gali kartaa online-ka.
Dadka maanta ugu taajirsan adduunka intooda badan waxa ay ka macaasheen adduunka online-ka ah, sababtoo ah waxaa macaamiil u ah bulshada adduunka oo dhan. Waxa lacagta lagu sameeyana wax kale ma ahan waa tirada macaamiisha ah ee aad badeecadaada iyo adeeggaaga ka gaddo. Qof kasta wuxuu la soo galo ayay ku xiran tahay.
Siyaabaha online-ka lacagta looga sameeyo way tira badan yihiin, boqolaal nooc weeye; balse waxaa jira lix nooc oo qalfoof guud ah, ama ay hoos yimaadaan dhammaantood, waana kuwaan hoose;
1. Online stores
Waa in aad dukaan ka dhex furato online-ka oo aad badeecadaada ku taxdo si online-ka looga iibsado. Waxaa la dhisaa websites noocaas loogu talagalay (ecommerce website). Badeecadaas waxay noqon kartaa mid aad leedahay, ama mid meherado kale oo aad wada shaqaysaan ay leeyihiin oo aad komishan ku leedahay. Khasab ma ahan in aad ka fekerto deegaanka aad joogto, hadda waxaa la maraya heer adiga oo Soomaaliya jooga oo kumbiyuutarkaaga dul fadhiya aad alaab ku samaysan kartid warshado shiinaha ku yaala kaddibna aad ku iibin karto suuqyada waawayn sida Amazon oo kale.
2. Content creation
Qaybtaan waxaa weeye in aad abuurto xog dadku ay xiiseynayaan, ha ahaato qoraal, maqal, muuqaal, sawir, farshaxan, madadaalo, iyo noocyo kale oo fan ah. Haddaan sii dhex galo waxaa kamid ah, in aad qoraallo website ku soo daabacdo (blogging), in aad abuurto koorsooyin online ah, in aad samayso buug aan internet-ka soo dhaafin (E-book), podcast, iwm. Waa noocyo badan yihiin waana kala moodeel duwan yihiin noocyada xog abuurista ah ee online-ka suuqa kuleh. Muhiimaddu waa in xogtu qiimo leedahay oo baahi daboolaysaa. Waxaad u iibgayn kartaa bulshada deegaankaaga iyo tan caalamkaba. Sidoo kale adiga oo aan iibgeyn ayaad si bilaash ah u faafin kartaa adiga oo u ogolaanaya shirkadaha wax xayaysiiya in ay ku dhex xayaysiistaan alaabtooda. Noocyo badan ayaa dakhli looga samayn karaa qaybtaan.
3. Affiliate marketing
Qaybtaan waxaa weeye in aad suuqgeyso badeecadaha iyo adeegyada dadka kale ay sameeyeen si aad komishan uga hesho. Adigu wax badeeco ah iyo adeeg ma samaynaysid, waxaad isku xiraysaa kuwa badeecada iyo adeegyada haya iyo dadka u baahan. Badeecaduhu waxay noqon karaan wixii ay abuureen labadii qaybood ee hore (online stores iyo content creation); sidoo kale waxay noqon karaan alaab la xiriirta noocyada kale ee inoo soo socda (4,5,6). Way moodeello badan tahay qaybtaan oo waxaa kala duwan komishanka noocyadiisu sida ay u dhisan yihiin.
Shabakado badan ayaa hawshaan darteed u jira si ay iskugu keenaan dadka haysta alaabta iyo kuwa raba in ay u suuqgeeyaan.
4. Freelancing
Qaybtaan waxaa weeye in aad wixii xirfad ah oo aad leedahay aad si xor ah ugu shaqaysatid adiga oo aan cidna shaqaale u ahayn. Xirfadaada online-ka la aad weeye adoo xor ah. Waxaa jira shabakado ay iskugu yimaadaan xirfadlayda iyo dadka raba in loo shaqeeyo. Xitaa waayahaan danbe shirkadaha qaybo kamid ah waxay doorbidaan in ay shaqooyinka qaar u dirsadaan “freelancers” halka ay shaqaale u qaadan lahaayeen booskaas. Dhammaan xirfadlaydu noocey doonto ha ahaato sida; qoraa, mid logo sameeya, mid website sameeya, turjumaan, iwm way tagi karaan shabakadahaas. Xirfad kasta oo aad leedahay waad ku shaqaysan kartaa adoo gurigaaga jooga, malaayiin qof ayaa maalin kasta in loo shaqeeyo soo dalbanaysa.
5. Trading and investing
Qaybtaan waxaa weeye baayacmushtarka iyo maalgashiyada online-ka ah. Waxaa kamid ah forex iyo noocyada kale ee trading-ka. Qaybtaan waxay uga duwan tahay shanta nooc ee kale, kuma xirna badeeco, adeeg, iyo macaamiil toona. Looma baahna suuqgayn iyo in cid wax laga iibiyo. Waxay ku xiran tahay dhaqaalaha adduunka iyo isbeddelladiisa. Adigu maba kontorooshid waa uun saadaalin kartaa haddii aad xirfaddeeda leedahay kaddibna waxaad la galaysaa lacag si aad u raacdo suuqa.
6. SaaS (Software as a service)
Qaybtaan waxaa weeye in aad samayso “software program”adeegyo u fulin kara dadka. Dadku way iska diwaan galinayaan waxaadna ka qaadaysaa lacag kiro ah (subscription fee). Muhiimaddu waa in software-kaagu uu xalliyo mushkilad, oo uu yahay mid loo baahan yahay si bil kasta aad kiradaada u qaadato. Waa noocyo badan yihiin “softwares” kaan, waxaana abuuri kara qof kasta oo “Programming” yaqaana fekradna haysta.
Lixdaas qaybood ayaa online-ka lacagta looga sameeyaa, sidoo kale iyaga ayaa isku soo noqnoqda (overlaps). Barnaamij kasta oo aad aragto oo online lacag looga samaynayo waa uun lixdaas midkood ama dhowr nooc oo mushakal ah. Sidoo kale waxaa jira intaas oo istaraatiijiyadood, moodeello, iyo shabakado (platforms) badan oo qaybahaas lixda ah ka sii dhigay boqolaal nooc oo kale. Balse si guud marka loo eego waa uun lixdaas. Waxaan filayaa in aad fahantay sawirka guud ee hababka online-ka lacagta looga sameeyo.
Leave a Reply