Blog

  • cilmibaarayaal ku sugan dalka Mareykanka ayaa qaraha la barbardhigay kaniiniga Viagra ee kordhiya hammada

    cilmibaarayaal ku sugan dalka Mareykanka ayaa qaraha la barbardhigay kaniiniga Viagra ee kordhiya hammada

    Xabxabka waxaa ku jira kiimiko loo yaqaanno citrulline, taasoo ay ku jirto waxyaabo la mid ah Viagra.
    Viagra waxa loo yaqaan “kaniiniga buluuga ah”. Sida laga soo xigtay Waaxda Caafimaadka ee UK, Sildenafil waa daawo loo isticmaalo daawaynta dareen la’aanta ragga.

    Viagra, oo sidoo kale loo yaqaanno sildenafil, ayaa waxaa markii hore loogu talogalay wadnaha sababtoo ah shaqadeeda ugu muhiimsan waa hagaajinta qulqulka dhiigga iyadoo ballaarineysa xiidmaha dhiigga oo ay ka mid yihiin halbowlayaasha.

    Viagra wuxuu saameeyaa xididdada dhiigga ee jirka isla xaddiga kiimikada dabiiciga ah ee citrulline ee laga helo qaraha si lamid ah wuxuu saameeyaa xididdada dhiigga ee jirka.

    Maadada Citrulline ee ku jirta qaraha waxay dejisaa xididdada dhiigga ee jirka si wareegga dhiigga ee jirka u fiicnaado.

    Waxaa cilmi-baaristan samaysay xarunta horumarinta khudradda Texas ee dalka Maraykanka.

    Dr. Bhimu Patel oo hoggaaminayay cilmi baaristan lagu sameeyay qaraha ayaa sheegay, “Waxaan la soconnaa in qaraha uu u fiican yahay jirka, weli daraasad ayaa lagu sameynaya waxtarkiisa, waxyaabo badan oo wanaagsan ayaa kasoo ifbaxaya isticmaalka xabxabka”

    Wuxuu intaa ku daray, “Qaraha kaliya ah ma saameeyo jirka sida kaniiniga Viagra balse qaraha wuxuu dabciyaa xiddidada dhiigga, ma lahan wax dhibaato ah”

    Waxa jiraa faa’idooyin kale oo laga helo qaraha:

    Qaraha wuxuu sare u qaadaa biyaha uu baahan yahay jirka

    Aad bay muhiim u tahay in jirka bini’aadamka uu helo biyo ku filan oo dheellitiran. Sababtoo ah xitaa fuuq-bax yar wuxuu kuu horseedi karaa daal, madax-xanuun, murqo xanuun iyo cadaadis dhiigga oo sarreeya.

    Qaraha wuxuu ka kooban yahay 92% biyo, jirka wuxuu u baahan yahay biyo sidaas darteed waxaa fiican in la isticmaalo qaraha.

    Waxaa loo isticmaala dhimista miisaanka

    Qaraha waxaa ku yar maadada tamarta jirka kordhisa ee Calories, marka xitaa aad cunto xabxab badan ma jirto halis ah in miisaanka jirkaaga uu kordho.

    Wuxuu wanaajiya maqaarka iyo caafimaadka indhaha

    Midabka guduudan, casaanka ee qaraha waxaa ku jiraa nafaqooyin badan. Nafaqooyinkaas waxaa loo yaqaannaa carotenoids. Qaraha ayaa qani ku ah maadada beta-carotene oo laga helo Fiitaamiin A.

    Waxay qurxisaa maqaarka sidoo kale waxay xoojisaa caafimaadka indhaha.

    Wuxuu yareeyaa halista cudurrada kansarka iyo macaanka

    Qaraha waxaa sidoo kale ku jirtaa maadada Lycopene, jirka ayaa si deg deg ah u nuugaa maadadan.

    Waxaa jiraa daraasado ku saabsan lycopene-ka kuwaas muujinayaa in maadadan ay yareyso halista kansarka iyo cudurka macaanka.

  • Waa maxay Metaverse? 

    Waa maxay Metaverse? 

  • Sidee online-ka lacag looga sameeyaa?

    Sidee online-ka lacag looga sameeyaa?

    2. Content creation

    3. Affiliate marketing

    4. Freelancing 

  • Waa maxay google adsense Sidee lacag looga sameeyaa adsense 

    Waa maxay google adsense Sidee lacag looga sameeyaa adsense 

    Ugu horeyn waa maxay adsense

    Adsense waa shirkad ay leedahay google waxaana la aasaasay 2003 shirkadan waxaa jirta shirkad kale oo qasab tahay inaad fahanto oo ladhaho google ads waa 2 shirkadood oo kala duwan balse google ay wada leedahay shirkada loo yaqaano google ads waxee qabataa xayeysiimo online ah in ganacstada  badeecadooda qaab online ahaan loo iibgeeyo

    shirkadda ladhaho google adsense xayeysimihii google ads lasoo gashtay ayee waxee kuu suuragalineysaa in websitekaaga laga soo muujiyo oo xayeysinta ay websitekaaga kasoo muuqato hadaba waxaa sidaas kusoo baxay oo imaanaya google adsense oo ku fududeeneysa in shirkadahas xayeysiimaha sameesanaya ay websitekaaga kasoo muuqdaan. waa qaabka ay lacagta kugu siin doonaan adsesne

    Google adsense waxay leedahay sharciyo iska fudud oo dhaqsi laguugu soo aqbali karro sharciyada waxaa kamid ah In websitekaaga aadan soo gelinin waxyaabo kahadlaya sida

    Hacking-ka, dilka , kufsiga iyo waxyaabaha argagaxa leh waxyaabahas oo idil waa ay kaa fiirineysaa markaad rabto in google adsense ay kusoo aqbasho sidoo kale google adsense waxay leedahay wax loo yaqaano crawlers ama bots kuwaas oo sifudud usahlaya inee siiyaan xogta websitekaaga oo waqtiga lasameeyay qoraalada kujira iyo waxwalba ay ubaahnan lahayen sifudud ayee ku ogaan karaan hadaba waxaa loo baahanyahay in websitekaaga aad kadhigto mid soo jiidasho iyo 

    Mxaad ubaahantahay 

    1.website

    2. Articles ama qoraalo 

    3. Website- design fiican leh u sameyso

    4.Inaad ku soo dartid 

    About 

    Contact us

    Privacy and policy 

    5.Ugu dambeyn dalbashada google adsense